Uncategorized

Akhriso-Madaxweynaha Soomaaliland oo magacaabay Golahiisa Cusub ee Wasiirada.

Hargeysa-KNN-Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Soomaaliland ayaa maanta magacaabay Golahiisa Cusub ee Wasiirada kadib markii shalay lagu Caleema saaray magaalada Hargeysa ee Xarunta Soomaaliland.

Xubnaha Wasiirada ee maanta la magacaabay ayaa gaaraya 23 Wasiir iyo 9 Wasiir kuxigeen, waxaana afar ka mid ah ay ka tirsanaayeen Xukuumaddii Madaxweynaha Talada wareejiyay.

Dr. Sacad Cali Shire ayaa mar kale ku soo laabtay xilkiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda, halka Yaasiin Faratoon oo Xukuumaddii Siilaanyo ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha loo magacaabay Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska ee Soomaaliland.