Somali News

Aqriso:-Magacyada saraakiil sar sare oo Shabaab laga dilay

Qorooleey-KNN-Howlgal ciidamada Milatariga Soomaaliya ay ka sameeyeen duleedka degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa  lagu dilay saraakiil  Shabaab ah.

Saraakiil ka tirsan Xoogga dalka oo la hadlay idaacadda codka ciidamada ayaa sheegay in ay dileen saraakiil sare oo Shabaab ah, kadib howgal ay ka fuliyeen meel ku dhaw degmada Qoryooleey.

Saraakiisha sar sare ee la dilay ayay saraakiisha ciidanka xoogga dalka waxa ay magacyadooda  ku sheegeen, Macalin Xuseen oo Al-shabaab u qaabilsanaa Amniyaadka iyo Farxaan daahir xiirane oo Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka sirdoonka.

Farxaan daahir Xiirane waxaa la sheegay in uu muddo kasoo bar bar  dagaalamay garabka Al-qaacida ee Suuriya.