Somali News

Akhriso magacyada xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu soo rigay cunaqabateyn

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa liiska dadka lagu soo rogay cunaqabateynka waxaa uu ku daray seddex hoggaamiye oo Al-Shabaab ka tirsan.

Hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab uu cunaqabateynka ku soo rogay guddiga cunaqabateynka golaha ammaanka ayaa kala ah Abuukar Cali Adan, Macallin Ayman iyo Mahad Karataay.

Abuukar Cali Aadan ayaa ah ku xigeenka hoggaamiyaha Al-Shabaab, halka Macalin Ayman sida golaha ammaanka ee qaramada midoobay ay sheegeen uu yahay aasaasaha ‘Jeysh-Ayman’ oo ah guuto Al-shabaab ka tirsan oo weerarro ka fuliya gudaha waddamada Soomaaliya iyo Kenya.

Mahad Karataay oo sida oo kale loo yaqaanna C/raxmaan Axmed Warsame ayaa isna golaha ammaanka uu ku sheegay in la aaminsan yahay inuu xubin firfircoon uu ka yahay ururka Al-Shabaab.

Mareykana wuxuu horay Mahad Karataay uu madaxiisa uu u dul dhigay seddex malyan oo doolarka Mareykanka ah.