Uncategorized

AKhriso:-Qaar ka mid ah Ururada Bulshada rayidka oo ka walaacsan khilaafka Golaha Shacabka.

Muqdisho-KNN-Waxaa isa soo taraya walaaca ay qabaan Ururada Bulshada rayidka ee ku aadan khilaafka ba’an ee ka dhax jira Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya kaas oo curyaamiyay dhamaan shaqooyinkii qaranka.

Ururada kala  IIDA, SWDC, SWA, SIDO, SCSC ayaa soo saaray baaq ku aadan xalinta khilaafka Golaha shacabka waxayna ka digeyn in khilaafkaan uu dalka u horseedo dib u dhac rajo beelna uu ku rido shacabka Soomaaliyeed ee rajada weyn ka qaba maamulka Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Baaqaan oo ay si wadajir ah u soo saareyn Ururada ayaa sheegay ku taliyay in si deg deg ah loo xaliyo Khilaafka Golaha shacabka lagana feejignaado dib u dhac iyo rajo beelka Shacabka Soomaaliyeed.

Hoos ka aqriso War-saxaafadeedka ka soo baxay Ururada  IIDA, SWDC, SWA, SIDO, SCSC

BAAQ URURRADA BULSHADA EE ISKU RA’YIGA JIMCO 06 APRIL 2018