Uncategorized

Akhriso-:Ra’iisal Wasaare Kheyrre oo Xalay Su’aalo muhiim ah la weydiiyay

Muqdisho-KNN-Kulan ay suxufiyiinta su’aalo ku weydiinayeen Ra’iisal Wasaaraha xukumadad Soomaaliya Xasan cali iyo Xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirada iyo Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka C/llaahi Maxamed Cali Sanbalooshe ayaa xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Suxufiyiinta ayaa Madaxtooyada Soomaaliya ku xaadiray waqtigii la balmiyay 7 Habeenimo ama hal saac ee Habeenimo Xiliga Soomaaliya Balse Ra’iisal Wasaraha iyo Xubnaha kale ayaa kulanka soo xaadiray 9:30 ee Habeenimo labo saac iyo Bar kadib Xiligii su’aalo weydiinta lagu balamay.

Ra’iisal Wasaare Kheyrre iyo Wasiiradii la socday waqti kale oo muhiim u ahaa suxufiyiinta waxay ku lumiyeen Filim Docomentry ah oo ka hadlyay Waxqabadka Xukumadiisa ee Bishan Augusto  iyo Khudbada waqti dheer qaatay waxaana meeshaas ka baxay Waqti ay wariyaasha ku xisaabtamayeen.

Intaas kadib  ayaa waxaa laguda galay Su’aalaha wariyaasha oo u badnaa kuwa toos ugu wajahan Ra’iisal Wasaare Kheyrre kana hadlyay Xaaladda maanta ee Soomaaliya oo dhinac walba leh.

Mudane Xasan Cali Kheyrre ayaa dhamaan su’aalihii waydiiyay ugu jawaabin sidii loo weydiiyay waxa uuna mid kasta isagoo aan ka jawaabin udulmaray qaab siyaasadeysan.

Su’aalaha Muhiimka ee la weydiiyay Ra’iisal Wasaaraha Kheyrre ee uusan ka jawaabin ayaa waxaa ka mid ah Dil Wadareedkii ka dhacay Bariire, Duqeyntii Jilib, Sarkaalkii ONLF ee la sheegay in loo gacan giliyay Ethiopia Go’aanadii Puntland Soomaaliland iyo Hirshabeellle ay ka qaateen khilaafka Khaliijka iyo Eedeentii loo soo jeediyay ee aheyd in lacag uu ku bixiyay Xil ka qaadistii Madaxweynaha Hirshabeelle.

Arinta ku Saabsan C/kariim Shiikh Muuse oo loo yaqaano Qalbi Dhagax oo ah Sarkaal ka tirsan Jabhadda ONLF oo la weydiiyay ayaa waxaa ka hor istaagay Taliyaha NISA waxa uuna sheegay in aan arintaas halkaan looga hadlin                                                                                      

Su’aalihii la weydiiyay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyrre waxaa ka mid ahaa Duqeyntii Jilib oo ay dadka shacabka ah ku dhintayn iyo Weerarkii ka dhacay Bariire Ra’iisal Wasaaraha ma dul istaagin Su’aashii la weydiiyay kaliya waxa uu ku soo koobay Jawaabtiisa                              

Go’aanadii Puntland Soomaaliland iyo Hirshabeellle ay ku taageereen Wadamada Sacuudiga iyo Imaaraadka islamarkaana ay Kaga soo horjeesteen go’aanka dhax dhaxaadka ee Dowlada ayuu ra’iisal wasaaraha waxa uu hadalkiisa ku koobay in wada shaqeyn ka dhaxeyso Dowladda dhexe iyo Maamulada.

Dhinaca Kale Ra’iisal Wasaare Kheyrre oo la weydiiyay in uu wado qorshe isku shaadheyn loogu sameynaayo Golahiisa Wasiirada ayaa waxa uu sheegay in warkaas uu yahay mid been ah