Somali News

Akhriso:-Sidee loo xusay 26-ka June

Muqdisho-KNN-Muddo 58 sano laga joogo maanta oo kale ayey aheyd maalintii gobolada Waqooyi ay gumeystihii Ingiriiska ka qaateen madax banaanidooda, afar maalmood ka hor intii aysan ku biirin gobolada Koonfurta Somalia ee uu Talyaanigu Gumeysanayay.

26-june 1960-kii Maanta oo kale ayaa markii ugu horeysay waxaa suurta galay in dhulka Soomaaliyeed oo xor ah laga taago Calanka Jamauuriyada Soomaaliya ka dib markii gumeytihii ingiriiska uu ogolaaday in uu xoriyada siiyo Gobolada Waqooyi ee Dalka Soomaaliya waxayna taasi dhacday Saqdii dhexe ee Habeenimadii 26-kii June 1960 iyadoo Fagaaraha Bartamaha Magaalada Hargeysa Xilliga 12-ka Habeenimo laga taagay Calanka Jamuuriyada Soomaaliya waxaana Halkaas lagu saaray Calankii Soomaaliyeed iyo Dabaal dag weyn oo loo sameeyay Maalintaas, waxaana la dajiyay calanakii gumeeystaha Ingiriiska .

Munaasabada 26-ka June oo ah Munaasabad Qiimo weyn ugu fadhida Umada Soomaaliyeed waxa ay ka mid tahay Taariikhda lama illaabanka ah  ee dalkeena Soomaaliya.

Maanta waxaa laga joogaa 58 sano xiligaas waxaana waxbadan ay iska badaleen xaaladdii Soomaaliya, waxaajira Nidaam maamul oo ka duwan midkii Soomaalida xiligaas.

Xalay ayaa magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa waxaa lagu qabtay munaasabado lagu maamuusayay maalintaa taariikhiga ah 26ka June.

Munaasabada ka dhacday magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas`uuliyiin kala duwan oo katirsan Soomaaliland kuwaas oo aad ugu hadlay Qiimaha ay leedahay 26ka june iyo arimo kale.

Madaxweynaha Soomaaliland Muusa Biixi Cabdi oo munaasabadaas ka hadlay ayaa ku nuux nuuxsaday arimo kala duwan oo ay ka midtahay qiimaha ay leedahay 26-ka June, dagaalka ka taagan deegaanka Tukeraq, iyo dhaliilo kala duwan uu u jeediyay dowlada dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweyne Muusa Biixi Cabdi ayaa yiri ”anaga cabsi naga ma`aha marka aan ku baaqeyno wadahadal ku aadan xiisada ka taagan deegaanka Tukeraq ee waxay naga tahay u turid aan u tureyno Shacabka ku nool Deegaanada Tukeraq, Laascaanood, Garowe iyo Qardho”.

“ Anaga isumakeyn qabato in nala yiraahdo midnimado waa muqadas, walaaltinmada waa waajib haddane nala cuna qabateeyo iyo xabad nagula wado” sidaas waxaa yiri Madaxweynaha Soomaaliland Muusa Biixi Cabdi.

Dhanka kale munaasabad kale oo ka dhacday Aqalka hoose ee Xamar ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ra’iisul Wasaaraha, Kuxigeenka Ra’iisul wasaaraha, Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka, Wasiiro, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha oo Xalay khudbad ka jeediyay munaasabad lagu qabtay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa yiri “Xorriyadda aan maanta ku naalooneyno waa mid lagu soo bixiyay dhiig iyo dhaqaale. Maanta waxaan joognaa guul taasoo kasoo bilaabatay 1960kii markii ay waqooyi iyo koonfur isku darsameen. Guushaas waxay ahayd mid ummadda u horseeday Soomaalinimo iyo midnimo.”

Maalintan oo kale waxay ahayd maalin taariikh weyn ku leh Umada Soomaaliyeed Islamarkaasna waxay ahayd maalin ay niyadda Umada Soomaaliyeed gashay dareen Farxadeed oo sida ciidda oo kale loogu dabaal dagay soo dhaweynta Calanka Jamuuriyada Soomaaliya Markii ugu horeysay laga dultaago Dhulka Soomaaliya Taasi waxay dhalisay Aragti guud in Umada Soomaaliyeed Hankii ay waday Muddo Todbanaan Sanno ah iyadoo ku taameysay in Mar uun la arko Ciidda Soomaaliyeed oo Xor ah.