Somali News

Akhriso:-War-murtiyadeed ku saabsan heshiiska ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Ereteriya

Muqdisho-KNN-Xili madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo uu ku sugan yahay magaalada Asmara ee xarunta dalka Ereteriya islamarkaana uu la kulmay madaxweynaha dalkaasi, ayaa waxay sheegeen in ay isla meel dhigay qodobo dhowr ah oo labada dhinacba ay isla garteen.

Akhriso qodobada ay ku heshiiyeen Dowladaha Ereteriya iyo Soomaaliya: –

1.Soomaaliya waxay ku taallaa goob istiraatiiji ah, waxayna  leedahay khayraad tiro badan oo isugu jira kuwo aadmi iyo kuwo dabiici ah.

Laakiin, ka faa’iideysiga khayraadkaas waxa ka hor istaagey dhibaatooyinka gudaha ka jira iyo faragelin dibadeed. Sidaasi darteed, Ereteriya waxay si mug leh u taageereysaa madaxbannaanida, siyaasadeed, qarannimada iyo midnimada Soomaaliya si dalku u soo ceshado maqaamkii uu ku dhex lahaa dunida, loona xaqiijiyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

2.Soomaaliya iyo Ereteriya waxay dedaal gelinayaan sidii ay u sameysan  lahaayeen iskaashi taabanaya dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, dhaqanka, difaaca iyo amniga.

3.Labada dal waxay yagleelayaan xiriir diblomaasiyadeed iyaga oo is dhaafsanaya danjireyaal, sarena u qaadaya ganacsiga iyo maalgashiga dhexdooda ah, sidoo kalena isweydaarsanaya fursadaha la xiriira waxbarashada iyo dhaqanka.

4.Ereteriya iyo Soomaaliya waxay si wadajir ah uga hawlgelayaan sidii loo  horumarin lahaa nabadgelyada, xasilloonida iyo isdhexgalka dhaqaale ee gobolka.