HirShabeelle
Somali News

Akhriso: Wararkii u dambeeyey doorashada madaxtinimada HirShabeelle oo maanta dhaceysa

Jowhar-KNN-Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Jowhar ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabeelle iyo ku xigenkiisa.

Laba musharax ayaa isu diiwaan gelisay inay u tartami doonaan xilka madaxweynaha HirShabeelle, kuwaas oo kala ah, Cabdiraxmaan Jimcaale iyo Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe) madaxweyne ku xigeenkii mudo xileedkiisa dhameystay.

Aqoon dheer looma laha Musharaxaan kale ee lagu magacaabo Cabdiraxmaan Jimcaale oo ka soo jeeda magaalada Beledweyne ee gobalka Hiiraan, waxayna wararku sheegayaan in Cali Guudlaawe loogu camirayo doorashada.

Cali Guudlaawe ayaa aad loogu xaglinayaa inay isu dhowyihiin Villa Somalia, waxaana la aaminsanyahay inay ku tala jirto sidii ay madaxweynaha HirShabeelle uga dhigi laheyd, taas oo Cali Guudlaawe ka dhigeysa musharaxa ugu cad-cad xilka madaxweynaha.

Sidoo kale laba musharax ayaa shalay isu diiwaan gelisay xilka madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle, kuwaas oo kala ah Maxamed Dheere oo ka mid ahaa golihii wasiirrada HirShabeelle iyo Yuusuf Axmed Hagar Dabageed guddoomiyihii hore ee gobalka Hiiraan.

Arbacada maanta ah ayaa loo balansanyahay inay doorashadu ka dhacdo magaalada Jowhar, halkaas oo ay saakay ka bilaabatay qaban qaabada doorashada.