Uncategorized

Akhriso:-falaaqeyn ku aadan hardanka u dhaxeeya reer galbeedka iyo reer bariga

Muqdisho-KNN-Khilaafka ka dhaxeeya wadamada Ree galbeedka oo dhinaca Mareeykankuna hor boodayo iyo kuwa ree bariga ah ee uu hogaaminayo Ruushku ayaa cirka isku shareeray Asbuucyadii lasoo dhaafay kadib markii ey dhaceen weeraro siyaasadeed oo diblumaasiyad khayaano badani ku dheehantahay lagu naqshadeeyay, Kuwo dhaqaalo iyo waliba dilal qorsheeysan oo daaha gadiisha cidwalba ey wax ka maamuleeysay, taa aakhirkii fara istaag kusoo dhamaanayay.

Xaalku waxa uu kasii daray kadib markii bartamihii isbuucii inaga dhaafay magaalada Douma ee dalka Syria la sheegay in lagu qaaday weerar bahalnimo oo Dadka shibilka ah lagu garaacay bambaanooyin Chemical ah oo durbadiiba la soo wariyay dad aan tirayeen ey ku geeriyoodeen hubka sumeeysan ee lagu garaacay Douma.

Xulafada Galbeedka ayaa ku eedeeyay weerarkaa lagu xasuuqay shacabka dulaman ee Suuriya in uu ka danbeeyo Maamulka Bashar Al-asad oo horay sidan oo kale tiro dhowr jeer ah  duqeyn Chemical ah ka geestay dalka suuriya haba ugu badnaatee intii uu socday dagaalkii bahalnimo ee Ruushka iyo Dowladda Suuriya ey ku burburiyeen magaaladii Qadiimiga aheed ee Aleppo.

Hanjabaado iyo weero dhiiggu ka qubanayo oo maalmahan warbaahinta la isumarinayay waxaa soo baxay saaka waabirgii hore ee xilliga maxalliga ah ee dalka Suuriya in duqeyn qorsheeysay lala eegtay qeeybo kamid ah saldhig ciidan oo Ciidanka Asad ey leeyihii kuwaa oo lagu tuhmayo in ey yaalaan nugulo kamid ah hubka Chemical ah ee Suuriya heeysato.

Duqeyntan ayaa waxaa la sheegay in uu amray madaxweeynaha mareeykanka Donald Thrump galinkii danbe ee Jimcihii Shalay ahaa.

Duqeyntan ayaa sida la sheegay waxaa siwada jira u geestay dayaaradaha wadamada mareeykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska kuwaa oo gaashanbuursi ciidan uu ka dhaxeeyo.

Danjiraha Ruushka u fadhiya  Maraykanka ayaa durbadiiba hadlay markii uu soo baxay dhiiladan weerarkan digniin ayuu diray waxaa uu hoosta ka xariiqay in cawaaqib aan la mahdin uu ka dhalan dooono duulaanka ree galbeedka ee suuriya waxa uu ku sheegay.

Af-hayeen u hadashay wasaaradda arimaha dibadda ee Ruushka ayaa iyaduna sheegtay in weerarkani dhacay iyada oo fursad ay Suuriya nabadi kaga dhalan kartaa soo dhawaatay.

Saraakiil ciidan oo Raashiyaan ahna waxa ey leeyihiin gantaalada mareeykanka iyo xulafadiisa wey ina sigeen oo meelo aan saldhigyadeenna ka fogeeyn ku hoobanayeen sawaariiqda uu mareeykanku gamay.

Xukuumadda Suuriya iyo Iran oo ah dal ay gacan saar leeyihiin ayaa iyaguna sheegay in weerarada wada jirka ah ee dalkaa lagu qaaday yihiin kuwo xad gudub ku ah sharciga caalamiga ah.

Iiiraan iyana masuuliyadda weerarka mareeykanka ayay qoorta usurtay.

Suuriya warar ka imaanaya ayaa sheegaya  in goobo milatari oo ay ku jiraan xarumahaas weerarada lagu qaaday, todobaadkan horraantiisii laga daabulay saanaddii taalay.

Warbaahinta Suuriya waxa ey sheegtay in weerarka lala beegsaday xarunta cilmi baadhista Dimishiq uu uu khasaaruhu yaryyahay.

Xumusna weerar ka dhacay waxa ey sidoo kale sheegeen In dhaawac jiro oo waliba sedex qof uun dhaawacantay.

Ilaa iyo hadda lama heli karo xogta rasmiga ah ee ka jirta deegaanada ey duqeyntu ka dhacday.

Dadka falanqeeya siyaasadda caalamka ayaa sheegaya in markan uu dib usoo laabtay dagaalkii qaboobaa ee dunida kaa oo soo bilaawday markii uu dhamaaday dagaalkii Labaad waxa uuna dhamaaday sanadkii dhamaadkii 80maadkii.

Dagaalakan hadda bilaawday ayaa waxa la sheegayaa in uu ka halis badan yahay kii hore maadaama ey koradhay ilbixnimada iyo technolajiyadda halista badan taa oo la sheegayo in ey adagtahay in si fudud lagu kala adkaado.

Dagaalkan ayaa saadaalinayaa in uusan dhici doonin iska hor imaad toos ah, balse qaab dagaalku uu noqon doono mid la isku hardiyo, Diplomasiyad, dhaqaale, technoliyadda gaar ahaan weerarada internetka.

Weerarada toos ah iyo in barqo lakala baxo ayaa inta badan waxaa lagu sheegaa in ey hortaagantahay technoljyadda la gaaray oo Labada qolo ee  dagaalkani udhaxeeyo waxa ey heestaan Gantaalada halista badan ee qaaradaha isaga goosha ee xambaara qumbuladaha  Nukleerka taa oo keeneeysay haddii dagaal bilaawday I n cidna eysan badbaadeen oo qolo walba uu daadku qaadi doono.

Taliska Ruushka ee dalka Suuriyana waxa ey sheegeen in ey habdhiska difaaca gantaalada Ruushka ee Suuriya yaalla uu qabtay daraasiin gantaallo ah kuwaa oo ey ridayeen dayaaradaha xulafada mareeykanka horboodayo.

W/soo ururiyay Siciid Warsame Sabriye.