Uncategorized

Akhriso-:Warsaxaafadeed laga soo saaray Kulankii Madaxweyne Cosoble iyo Wafdiga Dowladda ee Jowhar gaaray.

Jowhar-KNN-Cali Cabdullahi Cosoble Madaxweynaha Baarlamaanka Hirshabeelle ay sheegeen in ay xilkii ka qaadeen oo Xafiiskiisa Magaalada Jowhar Ku qaabilay Wafdiga Dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa ka hadlay natiijadii ka soo baxday kulamadii uu la qaatay Wafdiga Dowladda.

Cosoble ayaa sheegay in ay ka wada hadleen xoojinta dowladnimada Hirshabelle Iyo ilaalinta sharciga, iyadoo warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha lagu sheegay in wafdiga ay Dowladda dhexe u gudbin doonaan wixii ay deegaanka ku arkeen madaxda kale ee qaranka.

Madaxweyne Cosoble ayaa sheegay in uu u sharaxay wax uu ugu yeeray afganbi dhici soobay oo maamulkiisa lala damacsanaa kaas oo dhaqan gali waayay isagoo sidoo kale u gudbiyay eedeen uu u jeediyay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyrre.