Uncategorized

Akhriso-:Wasaaradda amniga iyo xeer ilaalinta go’aankii ay ka soo saareyn weerarkii lagu qaaday Guriga C/raxmaan C/shakuur.

Muqdisho-KNN-Wasaaradda amniga Soomaaliya iyo Xafiiska xeer ilaainta qaranka ayaa maanta soo saaray faah faahin ku saabsan weerarkii lagu qaaday hogaamiyaha Mucaaradka ah ee C/raxmaan C/shakuur Warsame, kaasoo Ciidamo ka tirsan Nabad sugida ay ugu dhaceen gurigiisa, kuna soo xireen.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen Wasiirka Amniga Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow , Xeer Ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Dahir ayaa lagu sheegay in hey’adaha amniga iyo xeer ilaalinta ay maalmahan wadeen baaris dambiyo lagu tuhunsan yahay muwaadiniin, kaasoo ku aadan falal dambiyeed qiyaano qaran, khal khal gelin iyo bur burin.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga C/casiis Cali Ibraahim ayaa saxaafada u akhriyay war saxaafadeedka, ayaa sheegay in C/raxmaan C/shakuur uu si cad uga horyimid ruqsadii loo heystay in gurigiisa la baaro inuu ka soo horjeestay, isla markaana ciidankii ilaalada u ahaa ay bilaabeen rasaasta.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka Wasaaradda amniga Soomaaliya iyo Xeer ilaalinta.