Somali News

Akhriso:- Xeerka R/W Kheyrre u gudbiyay Golaha Shacabka.

Muqdisho-KNN- Xasan Cali Kheyre Reysal Wasaaraha Xukuumadda Wasaaraha Soomaaliya ayaa Golaha Shacabka u gudbiyay Xeerka Maamul ee Xulida Guddiga Agaasinka Bangiga Dhexe, kaasoo horay Golaha Wasiirada isugu raaceen.

Xeerkan ayaa wax ka bedelaya sharciga Bangiga Dhexe, gaar ahana qodobka 130aad, kaasoo dib u eegis lagu sameynayo nuxur ahaan iyo qaab dhismeed ahaan sida uu ula jaan-qaadi karo Nidaamka Maaliyadeed ee dalka (PFM) kuna saleysan furfurnaanshaha Dhaqaale ee Caalamiga ah.

Haddaba xeerkan uu horay u soo meel mariyay Golaha Wasiirada ayaa haddii uu ogolaado Baarlamaanka, waxay ka dhigan tahay in Bangiga Dhexe uu madax ka noqon karo shaqsi ajnabi ah, kuna imaan doona xeer loo cuskanayo xulida Guddiga Agaasinka Bangiga Dhexe, kaasoo qof kasta oo ugu dhibco sareeya, karti ahaan, aqoon ahaan iyo hufnaan uu noqonayo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe.