Somali News

Akhriso: Xubnaha Guddiga ee loo magacaabay doorashada Madaxweynaha JFS

Kulan maanta ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya ayaa looga dooday Guddiga Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, xili kulamada Xildhibaanada ay guddoon ka ahaayeen xubnihii dhawaan la doortay.

Waxaa kulanka guddoonka ka ahaa kulanka Xildhibaanada Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, isagoo kalfadhiga Xildhibaanada ka sheegay in xeerka uu siinayay inay iyagu magacaabaan Guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha JFS, balse ay door bideen in xubnaha Senatorada ay dhexdooda iska soo dhex xulaan xubno magalada dowladda Federaal dowladdaha xubnaha ka ah.

Inkaa kadib, Xildhibaanada Golaha aqalka sare ayaa magacaabay xubnaha uga mid noqonaya guddiga isku dhafka ah ee ka shaqeynaya doorashada Madaxweynaha JFS kuwaas oo gaaraya lix xubnood waxaana ay kala yihiin:

1, Senator Cali Maxamuud Gacal (Koofur Galbeed)
2, Senator Prof Cabdi Ismaaciil Samatar (Somaliland)
3, Senator Cabdiqani Geelle Maxamed (Puntland)
4, Senator Farxaan Cali Maxamuud (Galmudug)
5, Senator Ibraahim Awgaab Cusmaan (Jubbaland)
6, Senator Zamzam Cabdullaahi Axmed (Hirshabeelle).

Dhinaca kale, kulanka Xildhibaanada Golaha shacabka ay maanta yeesheen, iyadoo Xildhibaanada ay dood ka yeesheen doorashada Xubnaha guddiga isku dhafka labada Aqal ee BFS ee qabanqaabada Doorashada Madaxweynaha 10aad ee JFS.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaan Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo shir guddoomiyay kulanka guud ee golaha ayaa magacaabay sideed ka mid ah guddiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka kooban 10-xubnood ay magacyadooda kala yihiin.

Xildhibaan Mowliid Cabdi Maxamed
Xildhibaan Cali Xaaji Daahir
Xildhibaan Nuur Mustafmukhtaar
Xildhibaan Beerey
Xildhibaan Maxamed Ibrahim Mucalimuu
Xildhibaan Maxamed Caananuug
Xildhibaan Cumar yuusuf
Xildhibaan Fardowsa Maxamed Cigaal.

Sidoo kale, guddomiyaha golaha Shacabka uu sheegay in sedaxda xubnood kale ee dhiman saacadaha soo socda lagu soo dari doono.

Dhinaca kale, guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay inay golaha soo xaadireen xildhibanno uu ku sheegay in uu ka jiro isqab-qabsi, wuxuuna ku wargeliyay ‘inuu go’aan ka gaari doono’ wixii maanta ka dambeeya.

Xubnahaan guddiga ah ee la magacaabay, waxaa horyaala shaqo adag, xili laga sugayo jadwalka doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.