Muqdisho-KNN-Gudiga Joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay Magaalada muqdisho ayaa waxaa ay kulankooda kaga hadleen qaraxii ka dhacay xarunta degmada Hodan ,iyagoona u tacsiyeeyay dadkii waxyeelada ka soo gaartay qaraxaasi.
Sidoo kale Gudiga ayaa waxaa ay soo hadal qaadeen sababta ay maanta ugu qeyb gali waayeen furitaanka kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka Soomaaliiya,waxaa ayna ku tilmaameen in ay taasi tahay sababo Amni iyo kuwa farsamo haystay aqalka sare.
Kulanka gudiga joogtada ee Aqalka sare ayaa waxaa ay maanta walaac ka muujiyeen xaalada murugsan ee siyaasadeed ,mida amniga iyo nidaamka federaalka.
Ugu dambeyntii xubnaha gudiga ayaa waxaa ay go’aamiyeen in aqalka sare ay xal ka gaarayaan arimaha Nidaamka federaalka.