Somali News

(Akhriso)Dib u dhac ku yimid doorashada Madaxweynaha galmudug ee Cadaado.

Cadaado-KNN-Warqad ka soo baxday Xildhibaanada Galmudug ee ku sugan Magaalada Cadaado ee Dhawaan  sheegay inay xilkii ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug ayaa waxa ay shaaaca ka qaadeen Jadwalka doorashada Madaxweynaha Maamulkaasi.

Xildhibaanada ayaa markii hore Doorashada madaxweynaha Cusub waxaa ay iclaamiyeen in ay dhacdo 30-ka Bishaan September balse haatan dib loo dhigay,isla markaana ay dhici doono 6 Bisha soo socota ee Octoper 2018-ka.

Hoos ka Akhriso Warqada.