Somali News

(Akhriso)Fahad Yaasiin oo Ciidan, hub iyo gaadiid ku wareejiyay Booliska.

Muqdisho-KNN-  Warqad ka soo baxday xafiiska Ku simaha Taliyaha hay’ada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed, ahna taliye ku xigeenka hay’adaasi Fahad Yaasiin ayaa lagu sheegay in  ciidan , hub iyo  Gaadiid uu ku wareejiyay Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Bashiir Cabdi Maxamed.

Tirada ciidanka Nabad sugida ee lagu wareejiyay Taliyaha Booliska ayaa waxaa  ay gaarayaan 1,728 askar oo isugu jira ciidan labisan oo hubeysan iyo kuwa Dharcad ah.

Sidoo kale Fahad Yaasiin ayaa waxaa uu wareejiyay  gaadiid tiradooda dhan tahay 25 gaadiid.

Halkan ka akhriso