Somali News

AKHRISOP:-Isdiiwaan gelinta Musharixiinta oo Bilaabatay.

Garoowe-KNN-Maanta  ayaa waxaa Magaalada garoowe  ka socota qabashada araajida musharixiinta u taagan xilalka madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland.

Gudiga doorashad madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland ayaa durba bixiyey shahaadada musharaxnimada waxaana musharixii ugu horeeyey ee madaxweynuhu noqday Siciid Cabdullaahi Denni.

Musharrixiinta ugu dambeeya ee isdiiwaangelinaya ayaa lagu wadaa in ay maanta soo gaba gabeeyaan,maaddaama berri tahay hadal jeedinta.

Waxaa uu Musharrax kasta bixinayaa $20,000 doollar madaxweynaha iyo ku xigeenka oo bixinaya $10,000 oo doollar.

Ilaa hadda waxaa isdiiwaangeliyay Siciid Cabdullahi Deni oo shahaadadiisa ka qaatay Guddiga,kaas oo billow u ah musharrixiinta sida ay Guddiga sheegeen.