Uncategorized

Aktarad caan ah oo Israel ka diiday Abaal marin lacageed kadib xad gudubka Isreal ee shacabka Falastiin.

Muqdisho-KNN-Aktaradda Mareykanka ah ee uu asalkeedu yahay Israel ,Natali Bortaman , ayaa diidday inay ka qeyb gasho Xaflad lagu qabanayay Magaalada Tel AVIV ee Dalka Isra’il, taasoo Aktaradda lagu guddoonsiin lahaa abaalmarin gaaraysa Hal Milyan oo Doollar-ka Mareykanka ah.

Gabadhan ayaa diidmadeeda sabab uga dhigtay cabasho ay ka muujinayo qaabkii ay Ciidamada Israel ula dhaqmeen Dad Falastiiniyiin ah oo muddo Afar Todobaad ah ku banaanbaxayay Magaalada Gaza,iyo gabbood fallo ay Ciidamada Yuhuudda ka geysteen jiidda Gaza.

Mss; Natali ayaa aad ugu dhiidhisay dhacdadaasi ay Ciidamada Israel ka geysteen marinka Gaza, taasoo sabababtay inay qaaddacdo xafladda lagu casuumay, iyadoo ku tilmaantay midaan u cuntamayn abaal marinta oo gaaraysay Hal Milyan oo Doollarka maraykanka ah.

Qabanqaabiyayaashii Xaafladdaasi ay qaaddacaday Aktaradda ayaa sheegay inay aad u ixtiraamayaan fikirka Mss; Bortamaan, isla markaana ay qaddarinayaan sida ay uga damqatay dhibaatada lagu hayo Falastiniyiinta dhulkooda ay boobtay Israel.

Dhacdadii Afartii Todobaad ee la soo dhaafay ay Ciidamada israerl ka geysteen Marinka Gaza ee Dhulka Falastiin ayaa la sheegay inay sababtay geerida 36 Qof oo Falastiiniyiin ah iyo dhaawacyo gaaraya in ka badan 1600 Qof oo ay haleeshay Rasaastii ay ku fureen Ciidamada Yuhuudda Shacabka Falastiin xilli ay dibed baxayeen.

Dibed baxayaasha ayaa codsanayay inay Dhulalkoda dib ugu soo laabtaan kuwaasoo mudda ka badan Nus Qarni Qaxooti ku ah Waddama badan oo caalamka ah, iyagoo sidoo kale doonanayay in la baabi’iyo xudduud beenaadka Israel ka sameysay degaannada Falastiin ay xoogga ku haysato.

Waa Tumaa Natali Bottaman?

Gabadhan Akataradda ah ee Aflaanta matasha Natali Bottaman, waa 36 jir waxayna haysataa Jinsiyadaha Mareykanka iyo Israe,l waxayna ka qeyb gashay ama matashay Aflaam badan, waxaana ka mid ah Filinkii la Magac baxay dagaalka Xiddigaha(Xarbu Nujuum).

Natali Bottaman , Waxay dhalatay 9 kii Bishii june 1981-kii, waxaana iska dhalay Takhtar Israel ah iyo iyo Haweenay Fanaanad ah oo asalkeedu yahay Mareykan ,waxayna aad u xafiddaa dhalshadeeda asalka ah ee Israel.

Gabadhan ayaa la sheegay in matalaadda Aflaamta ay dhibaato weyn kala kulantay, iyadoo xirfaddan billowday xilligii ay 11 jirka aheyd , Sadanadkii 2011-kii , waxanay Bortaman , ku guulaysatay Filimka Oskar.

Natali Bottaman, ayaa sidoo kale la guddoonsiiyay abaalmarin qaali ah, waxana la sheegay inay Haweynadan handadaad kala kulantay yahuudda mintidiinta ah ee Israel Sanadkii 2014-kii, mar ay tagtay Magaalada Qudus oo ah halka ay ka soo jeeddo.

 

Xigasho Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA.