Somali News

Al-qaacida oo magacowday Hoggaamiye Cusub

Al-Qaacida ayaa ku dhawaaqday Hogaamiyaha Cusub ee Kooxdaasi waxaana uu badelayaa Ayman Al Zawaahiri.

Hogaamiyahaan cusub ayaa la rumaysan yahay inuu ku dhuumalaysanayo Dalka Iran waana General hore oo Masar kasoo jeeda laguna Magacaabo Seyful Al Cadlo.

Daily Mail waxa ay aaminsantahay in Shaqsigaan uu Al-Qaacida kadhigi doono sidii hore Markii uu Hogaaminayay Osama Bin Ladin.

Al Qaacida si toos ah uma Xaqiijin Geerida Hogaamiyahoodi hore Ayman Al Zawaahiri inkastoo ay jirtay sanadkii hore 2020 Warar sheegayay inuu u Geeriyooday Cuduro badan oo iskugu tagay uu la tacaalayay.