Uncategorized

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ciidamada Kenya kala wareegeen saldhigyo

Muqdisho-KNN-Xubno ka tirsan dagaallamayaasha Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegeen in weerar ku qaadeen saldhig ay ku sugan yihiin Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah halgalka AMISOM.

Weerarka ay la sheegay in uu ka dhacay deegaanla Dhajanbuula oo hoos yimaada degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose , isla markaasina ku yaalla xuduuda kala qaybisa Soomaaliya iyo Kenya

Sida ay sheegayaan warar ay Al- Shabaab ku baahiyeen bogagga ay ku baahiyaan wararkooda ayaa waxa ay sheegeen in uu dhexmaray dagaal saacado qaatay,

Waxa ay intaa ku dareen, in ay la wareegeen saldhigyo ay ciidamada Kenya kaga sugnaayeen deegaankaasi, inkastoo ay san jirin cid soo werisay khasaaraha labada dhinac eek a dhashay weerarkaasi ay fuliyeen Al-Shabaab.

Si kastaba, ma jiraan warar ka madax bannaan kan ay baahiyeen Al-Shabaab, oo ku aadan xaqiiqada  wararkaasi.