Somali News

Al-shabaab iyo Ciidamada Dowlada oo Saakay ku dagaalamay duleedka Kismaayo

Kismaayo-KNN-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal muddo daqiiqado socday oo ku bilowday Qaraxyo, una dhaxeeyay Al-shabaab iyo Ciidamada dowlada oo Saakay waabarigii ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah maamulka Jubaland.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday Saldhig Ciidamada dowlada ay ku leeyihiin deegaanka Baar- Sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo.

Ilaa iyo hadda macada khasaaraha dhabta ee ka dhashay dagaalkaasi, balse Al-shabaab oo ka hadlay weerarkaas waxay tilmaameen in khasaaro xoog leh ay gaarsiiyeen Ciidamadii ay weerareen.

Afhayeenka howgalada Al-shabaab C/Casiis Abuu Muscab oo la hadlay Wakaalada Wararka ee Reuters ayaa sheegay in dagaalkaas ay ku dileyn ilaa iyo 27 Askari.

Dhankale Mukhtaar Cabdi Maxamed oo ka mid ah Sarkiisha Ciidamadaas la weeraray oo la hadlay Idaacada Kulmiye wuxuu sheegay in ay ka hor tageen Weerarka ay soo qaadeen kooxda Al-shabaab.

La soco wixii ka soo kordha.