Somali News

Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo ku dagaalamay Daynuunaay

Daynuunaay-KNN-Wararka ka imaanaya deegaanka Daynuunaay oo u dhaw magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal muddo ku dhow saacad socday una dhaxeeye Al-shabaab iyo ciidamada dowladda.

Dagaalka ayaa waxaa soo qaaday Dagaalamayaasha Al-Shabaab,waxaana la sheegay in dagaalka uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay khasaaraha ciidamada dowlada waa 4 askari oo dhimasha ah iyo 6 dhaawac ah,halka Shabaabkii dagaalka soo qaaday la sheegay in 9 Dagaalame laga dilay.