Uncategorized

Al-Shabaab iyo Ciidamada Itoobiya oo Madaafiic isku weydaarsaday Degmada diinsoor.

Diinsoor-KNN-Wararka naga soo gaaraya Degmada diinsoor ee gobolka Bay ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay Madaafiic ku garaaceen Degmadaas.

Sida la Sheegay Madaafiic ayaa ku dhacday Garoonka Diyaaradaha Degamada Diinsoor ee Gobalka Bay  ee uu ka arimiyo maamulka Koonfur Galbeed,Waxaana Halkaas ku sugan Ciidamada Itoobiya iyo Kuwa Maamulka Koorfur galbeed.

Dadka Deegaanka Diinsoor oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in Madaafiic ay soo Tuureen Al-Shabaab ay ku garaaceen garoonka diyaaradaha ee Degmada Diinsoor ee Gobalka Bay.

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga ee Degmada Diinsoor ee Gobalka bay Caliyow Maxamed Ibraahim oo la hadlay Idaacada Kulmiye ayaa sheegay in Madaafiic ay ku soo tuureen garoonka Degmada Diinsoor ee Gobalka Bay.

Sidoo kale Abaanduulaha ayaa sheegay in Madaafiic ay Tuureen Ciidamada Itoobiya ay ku dileen Dagaalamayaal badan oo ka Tirsan Al-Shabaab.