Kismaayo-KNN-Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in dagaal culus uu maanta ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo ee gobalka Jubbada Hoose
Dagaalka ayaa waxaa uu u dhexeeyay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, iyo ciidamo ka tirsan Maamulka Jubbaland.
Hub culus ayaa la sheegay in dhinacyada dagaalamay ay isku adeegsadeen, inkastoo ilaa iyo hada aan la soo warinayay khasaaraha rasmiga ah ee soo kala gaaray dhinacyada ku dagaalka ku dhexmaray duleedka magaalada Kismaayo.
Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in dagaalka uu ka dhacay deegaanka Yaaq-bishaar oo qiyaastii 49 KM u jira magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubbada Hoose.
Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay KNN ayaa ka waramaya xaalada deegaanka Yaaq-bishaar oo ay ku dagaalameen Al-Shabaab iyo ciidamada Jubbaland.
Ma jiran weli wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada ku dagaalamay deegaanka Yaaqbishaar ee gobalka Jubbada Hoose.
Ciidamada Jubbaland ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ay guluf ka wadeen deegaano hor leh oo ka tirsan gobalada Jubbooyinka iyo Gedo.
Al-Shabaab ayaa xiligan wajahaya culeys kaga imaanaya ciidamada xoogga dalka iyo duqeymaha ay diyaaradaha mareykanka ka fulinayaan deegaanada ka tirsan gobalada Jubbooyinka.