Uncategorized

Al-Shabaab iyo dadka degaanka oo ku dagaalamay degaan hoostaga gobalka Hiiraan

Baladweyne-KNN-Wararka naga Soo gaaraya degaanka Buq-aqable ee gobalka hiiraan ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya Dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo dadka degaanka ee xoola dhaqatada uu ka dhacay degaankaasi.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii dadka reer mi’yiga ah ay ka biyo diideen codsi uga yimid  dagaalamayaasha Al-shababa ee ahaa in ay bixiyaan xoolo iyo dhalinyaro si ay ugu qeyb geliyaan dagaalka  ay kula jiraan Dowlada Soomaaliya,inkastoo dadkaaasi arintan ay ka soo horjheesteen.

Inta la xaqiijiayay 2 qof oo dad xoola dhaqato ah ayaa ku geeriyootay,iyadoona Shabaab  uu soo gaarey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,kadib markii dagaal saacado badan qaatay uu dhacay degaanka Buq-aqable.

Saraakiisha Amaanka gobalka Hiiraan oo la hadlay Wakaalada Wararka SONNA ayaa sheegay in Dagaalkii dhexmaray dadka Degaanka iyo Al-Shabaab uu ahaa mid ah Aad u xoogan,islamarkaana mudo saacado ah uu ka soconayay degaankaasi.

Deegaanka Buqa-qable ayaa khayaas  wuxuu 90 KM dhanka Galbeed kaga beeganyahay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.