Somali News Uncategorized

Al-Shabaab iyo Kooxda Macawiisley oo ku dagaalamay deegaanka Leego ee Sh.Hoose

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Leego ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa  sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya Al-Shabaab iyo Kooxda Macawiisleyda.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii dagaalamayaal  ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisin kooxda Macawiisley ay ku leeyihiin deegaankaasi.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka Leego ayaa idaacadda Kulmiye u sheegay in ay maqleen rasaas xooggan oo ka dhaceysa deegaanka, kuwaasi oo ay is weedaarsanayaan labada dhinac.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Shabeellada Hoose Cabdi Axmed Yuusuf oo la hadlay idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in aysan weli soo gaarin faahfaahin ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalka, balse warbaahinta la soo wadaagi doonaan.

Wali ma cadda khaasaaraha dhabta ee ka dhashay dagaalka, wuxuuna dagaalkan ku soo aadayaa xilli Al-Shabaab ay kordhiyeen weerarada ay ka geysanayaan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.