Uncategorized

Al-shabaab oo 6 dagaalame looga dilay dagaal ka dhacay Baar-sanguuni.

Kismaayo-KNN-Wararka ka imaanaya deegaanka Baar-sanguuni oo 45km u jira magaalada Kismaayo ayaa sheega in deegaankaas ay ku dagaaalmeen ciidamada jubalan, ciidamada Xooga Soomaaliya, ciidamo kale oo cadaan ah iyo Al-shabaab.

Dagaalkaas ayaa waxaa ka dhashay khaaso kala duwan sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka oo la hadlay KNN.

Saraakiisha ciidamada Maamulka Jubaland oo dagaalkaas ka hadlay ayaa sheegay in dhan kooda wax khasaaro ah uusan jirin laakiin dhan Al-shabaab ay gaarsiinyeen khasaaro dhimasho iyo dhaawac, waxayna carabka ku dhufteen in Al-shabaab ay ka dileen ilaa 6dagaalame iyo tiro intaas ka badana oo ay ka dhaawaceen.

Dhankale wararka kale laga helaayo degmada Jamaame ee Gobolka Jubada Hoose ayaa tilmaamaya in dagaalamayaasha Al-shabaab ay ka baxeen degmadaasi oo ay horay ugu sugnaayeen.

Hadana ma jirto cid gacanta ku haysa degmadaasi ay baneeyeen Al-shabaab laakiin wararka sidoo kala sheegaya in Al-shabaab ay u rukhaan sadeen dhanica Degmada Jilib, lama ogga u jeedka Al-shabaab ee ay ugu baxeen degmada Jamaame iyo waxa ay ka damacsan yihiin Degmada Jilib ee hadda ay u sii jeedaan