Somali News

Al-Shabaab oo afar qof ku dishay weerar manta ka dhacay gudaha Kenya

Muqdisho-KNN-Afar qof oo rayid ah oo uu ku jiro canug yar ayaa maanta toogasho lagu dilay, kadib markii dagaalamayaasha Al-Shabaab ay weerareen xarun is gaarsiin oo ku taalla bariga dalka Kenya, gaar ahaan meel ku dhow xuduudda Soomaaliya, sida ay sheegeen booliska Kenya.

Booliska dowladda ayaa dhankooda sheegtay inay dileen labo ka mid ah kooxdii weerarka soo qaadday.

Afhayeen u hadlay booliska oo lagu magacaabo Charles Owino ayaa sheegay in ka badan 10 dabley ah ay isku dayeen inay burburiyaan anteenada oo ay leedahay shirkad laga leeyahay dalka Kenya. Sidoo kale bayaanka booliska waxaa lagu sheegay in weerarkaas uu ka dhacay magaalada Saretho oo qiyaastii 25 KM u jirta xerada qaxootiga ee Dhadhaab.

“Burcadda waxay isku dayday inay beegsadaan anteeno taleefon, waxaana intii ay ku guda jireen noloshooda ku waayey afar qof, oo ay ku jiraan macallin iyo ilmo yar,” ayaa lagu yiri bayaanka booliska.

Booliska ayaa intaas ku daray in laba qori oo AK47 ah, walxaha laga sameeyo qaraxyada iyo hub kale ay ka furteen kooxdaas. Isla markaana ay kadda ku raad joogaan haraadiga kooxdii weerarka ku soo qaaday.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas lagu qaaday deegaanka Saretho ee dalka Kenya.

Ciidamada Kenya ayaa haatan la geliyey heegankii ugu culuslaa, kadib markii Al-Shabaab ay Axaddii weerar ku gashay saldhigga ciidamada Mareykanka ee Manda Bay, kaas oo ku yaalla gobolka Lamu, halkaasi oo saddex Mareykan ah ay ku dileen.

Saddex qof oo Kenyan ah ayaa sidoo kale goor dambe oo Axaddii ah la xiray, sababo la xiriira in lagu tuhmay inay isku dayeen inay galeen saldhig ciidamada Britain ay ku leeyihiin bartamaha Kenya.

AFP