Uncategorized

Al-Shabaab oo Afar qof ku Gowracay Gobalka Lamu ee Dalka Kenya.

Lamu-KNN-Dagaalamayaasha Al-shabaab ee ka dagaalama Kenya ayaa la sheegay in deegaanka Lamu ay ku Gowraceen ilaa Afar qof oo u dhashay Dalka Kenya sida ay shaaciyeen Ilo wareedyo ku sugan dalkaasi.

Maydadka Afar qof oo la Gowracay ayaa laga helay Xaafad ku taala deegaanka Lamu ee dalka Kenya waxaana goobta lagu arkay gaaray Ciidamo ka tirsan Booliska dalkaasi.

Goob joogayaal KNN u sheegay in Mudooyoonikii danbe Muwaadiniinta Kenya ku nool gaar ahaan shacabka aan muslimka aheyn ee dagan Lamu ay qabeen walaac dhinaca Amniga kadib markii ay hanjabaadyo kala Kulmeen Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer dad sidaan oo kale ku Gowracay Kenya, Lamu waa mid ka mid gobalada ugu dhaqaalaha badan kenya waxaana ka taagan Xaalad cabsi ah.