Muqdisho-KNN- Dagaalamayaasha Al-shabaab oo aysan jirin meel kamid ah magaalada Muqdisho oo ay gacanta ku hayaan ayaa waxaa ay markale amaro ay dul dhigeen garoomo lagu ciyaaro kubada cagta oo ku yaala meel aan ka fogeyn wadada maka al-mukarama ee magaalada Muqdisho.
Inta KNN loo xaqiijiyay ilaa iyo labo garoon oo fuutsal ay kuna yaala meel aan ka fogeyn wadada makka Al-mukarama oo ah halbowlaha ama wada ugu muhiimsan ee ay dowladu amaankeeda aad u xaqiijiso ayaa ay Al-shabaab la soo xiriireen milkiilayaasha garoomadaasi kuna wargeliyeen in ay xiraan garoomada oo aan lagu ciyaari Karin.
Qaar kamid ah dhalinyarta ku ciyaara garoomada salaxa ah ee ku yaala magaalada Muqdisho ayaa ay soo wajahday cabsi badan iyadoo qaar kood sheegayaan in shabaab la soo xiriireen laguna wargeliyay in aan la ciyaari Karin.
Dadka qaar ayaa tilmaamaya in wax laga xumaado ay tahay in amaro ka soo baxay Al-shabaab uu ka dhaqan galo magaalada Muqdisho si gaar ah goobaha ay dowladu ay amaankooda aad u xaqiijiso.
Dhalinayarada ku ciyaarta garoomada ugu dambeeyay ee ay shabaab amarada ku soo rogeen ayaa qaba walaaca sidoo kale na baraha Bulshada ayay ku soo qorayaan hadalo ay dowlada kaga dalbanayaan in ay ka jawaabto cabsida soo wajahday.
Todobaadki hore ayay ahayd marki ay soo shaac baxday halkana aan ka baahinay in Al-shabaab hakad geliyaan ciyaarita kubada cagta ee garoomo ku yaala waqooyiga magaalada Muqdisho , waxaana wararki ugu dambeeyay sheegayaan in dib loo fasaxay garoomada ku yaala waqooyiga Muqdisho kadib markii ganacsadata leh garoomada iyo Al-shabab isla garteen in lacago ay bixiyaan.