Uncategorized

Al-shabaab oo baaq u diray Shacabka Beladxaawo.

Muqdisho-KNN-Afhayeenka Al-shabab Sheekh Cali Maxmauud Raage Cali Dheere ayaa ka hadlay xiisadda ka taagan Magaalada Beledxawo ee gobolka Gedo, halkaas oo Ciidamada Kenya ay ka wadaan dhismaha darbi u dhaxeeya Xaduud beenaadka Kenya iyo Soomaaliya, arintaas oo shacabka ku dhaqan degmadaasi ay ka muujiyeen falcilin ay ugu soo horjeedaan arintaasi.

Afhayeenka Al-shabaab oo soo duubay muuqaal kooban oo Al-shabaab ay ku baahiyeen baraha warkooda ay ku faafiyaan ayaa  sheegay in dagaalamayaasha Al-shabaab markii horeba ay dagaal kula jireen Ciidamada Kenya haddana ay diyaar u yihiin in ay sii kordhiyaan dagaalka ay kula jiraan Ciidamada Kenya gaar ahaan kuwa ku soo xad gudbay ciidda Soomaaliya.

Sidoo kale Cali Dheere ayaa shacabka degmada Beledxaawo ugu baaqay in ay dagaal kala hortagaan Ciidamada Kenya, isaga oo sheegay in ay garab siinayaan shacabkaasi si halkaas looga saaro Ciidanka Kenya ee darbiga ka dhisaya xaduud beenaadka u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.