Muqdisho-KNN-Website ku hadla Afka Al-shabaab ayaa goor-dhaw lagu daabacay iney been abuur tahay wararka Sheegaya inuu Geeriyooday Hogaamiyihii Ururkaas Axmed Diiriye “Abuucubeyda” kadib markii warar laga helay Saraakiisha Soomaaliya ay sheegeyn inuu ku dhintay degmada Jilib ee Gobalka Juabda Dhexe.
Warbaahinta Al-Shabaab oo soo xiganaya Sarkaal sare oo ka tirsan Kooxda ayey sheegeyn Inuu Abuu-Cubeyda uu nool yahay Islamarkaana uu caafimaad qabo kuna howlan yahay wax ay ugu yeereyn Gudashada waajibaadka Alle.
“Abuu-Cubeyda waa nool yahay waana caafimaad qabaa, waa been abuur wararka sheegaya inuu Geeriyooday waana qiyaano ay Kooxda Farmaajo ku dooneyso iney ku daboosha qiyaanadii dhawaan afar Dekadood lagu siiyay Itoobiya” ayaa lagu baahiyay Warbaahinta Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa sheegay in Abuu-Cubeyda shaqadiisa wato ayna jirin wax dhibaato ah uu wajahayo, qoraalka Al-Shabaab laguma cadeyn magaca Sarkaalka ay ka soo xigtayn warkaan, waxaana wali shaki ku jira Nolasha hogaamiyaha Al-Shabaab.
Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale hore u beeniyay inuu Geeriyooday hogaamiyahoodii hore ee Axmed Cabdi Godane balse maalmo kadib waxay soo bandhigayn fariin maqal ah oo lagu beeniyay Geeridii Abuu-Zubeyr ka hor inta uusan Geeriyoonin waxaana dad badan ay maanta filayeen iney soo bandhigi doonaan fariin muujineysa Nolasha Abuu-cubeyda.
Saraakiisha Sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegaya iney hayaan cadeymo sheegaya inuu Geeriyooday hogaamiyaha Al-Shabaab ayna soo bandhigi doonaan maalmaha soo socda, hore ayaa loo sheegay inuu xanuunsan yahay hogaamiyaha Al-Shabaab.