Somali News

Al-Shabaab Oo burburiyay Shirkad ku taala Lamu.

Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya  Gobolka Lamu  ee dalka Kenya ayaa sheegaya in Dagaalamayaasha Al Shabaab ay weerar ka fuliyeen deegaanka Malihooy oo u dhexeeya magaalooyinka Hindi iyo Witu ee gobolkaasi.

Al-Shabaab ayaa ayaa la sheegay in ay burburiyeen Shirkad ka shaqeysa korontada oo ku taala Gobalka Lamu, islamarkaana ay dhulka la simeen Taawarkii shirkadaasi.

Dadka Degaanka ayaa Sheegay in wax koronto ah aysan ka jirin Gobalka lamu iyo deegaanada kale ee ka agdhow.

Ma jirto weli wax war ah oo ka soo baxay dowlada Kenya, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyaan Weerarka ay Al-Shabaab ka fuliyeen Gobalka lamu ee dalka Kenya.

Al-Shabaab ayaa Dhowr jeer sidan oo kale waxaa ay weeraro ka geysteen Gobalka Lamu.