Somali News

Al-Shabaab oo burburiyey goobihii danta guud ee Run-nirgood

Jowhar-KNN-Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa la sheegay inay bur-buriyeen guryo, xafiiskii degmada, Saldhigii booliska, masaajid iyo dhismiyaal kale oo muhiim ahaa, kuwaas oo ku yiilay degmada Run-nirgoood ee gobolka Shabellada Dhexe.

Guddoomiyaha degmada Run-nirgood Macalim Muxudiin Maxamed Kulmiye oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Al-Shabaab ay barakicin ku haayaan dadka ku nool qeybo kamid ah degmadaasi.

Goobaha ay bur-buriyeen Al-Shabaab oo u badan xarumo iyo hanti dan guud ayaa dhulka lala simay, waxayna sidoo kale barakiciyeen dhamaan dadkii daganaa halkaas. Sida uu sheegay guddoomiye Macalim Muxudiin.

“Ma awoodno inaa ka qabano dadka dhibaatada loo geysanayo, sababtoo ah iyaga ayaa ka taliyo degmada annagana Muqdisho ayaan joognaa,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Run-nirgood ee gobalka Shabeellada Dhexe Macalim Muxudiin Maxamed.