Somali News

Al-shabaab oo caawa weerar ku qaaday Ceelwaaq

Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ayaa caawa weerar ku qaaday saldhig ay ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin Dagmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Goobjoogaal ayaa KNN u sheegay in dagaalka la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona haatan laga maqlay guud ahaan magaalada Ceelwaaq.

Saraakiil ka tirsan Jubbaland oo la hadlay KNN ayaa sheegay in Al-shabaab ay saldhiga soo weerareen inta lagu jiray salaada maqrib, islamarkaana ay iska caabiyeen.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in caawa baaritaan ay ka wadaan degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi, maadaama xili habeen ay tahay.

Degmada Ceelwaaq ayaa saldhig weyn waxaa ku leh ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland, iyadoona halkaasi dhowr jeer ay weerar ka fuliyeen dagaalameyaal ka tirsan kooxda Al-shabaab