Baraawe-KNN-Wararka aan ka heleyno duleedka Degmada Baraawe ee G/Shabeelaha Hoose ayaa soo sheegaya in maanta halkaasi dagaal culus ku dhaxmaray Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa ka dhacay deegaan 7km u jira Degmada Baraawe oo lagu magacaabo Ambareeso waxaana la sheegay in dagaalka uu yimid kadib markii ay weerar soo qaadeyn Dagaalamayaasha Al-Shabaab waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.
Weerarka oo markii hore socday waqti kooban ayaa markii dambe isku badalay dagaal culus oo socday mudo ku dhaw hal saac sida ay noo sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.
Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhintay in ka badan 7 kalane waa ay ku dhaawacmeyn dagaalkaasi waxaana la sheegay in ay hada xaaladda degan tahay waxaana goobtii lagu dagaalamay ku sugan Ciidanka Dowladda.
Dhinaca Kale Guddoomiyaha degmada Baraawe ee Maamulka G/Shabeelaha Hoose Aadan Cumar Madoobe oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay Baraawe uusan dhaxmarin Ciidanka Dowladda iyo Al-Shabaab wax dagaal ahna uusan ka dhicin deegaankaasi.
Guddoomiyaha ayaa sheegay Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen dad shacab xoolo dhaqato ah dadkii halkaasi lagu dilayna ay dhamaantood ahaayeen Shacab xoolo dhaqato ah.
Weerarkaan ayaa ku soo beegmaya Xilli Xalay ay Al-Shabaab duleedka magaalada ku qarxiyeen Kolonyo Gaadiid ah oo ka baxay Gudaha Magaalada qaraxaas oo aan ilaa hadda la ogeyn Khasaaraha ka dhashay.