Somali News

Al-Shabaab oo dab qabad siiyay deegaanka Yaaqberi weyne

Dagaalameyaasha Al-shabaab ayaa la sheegay in ay dab qabad siiyeen deegaanka Yaaqberi weyne ee gobolka shabeellada Hoose

Wararka ayaa sheegaya in Al-shabaab ay dabka qabad siiyaan xaafadaha ku yaala deegaankaasi, waxaana ku basbeelay guryihii halkaasi ku yaalay, sida ay KNN u sheegeen dadka deegaanka ah.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii Al-shabaab ay dadka ku amreen in ay ka guuraan deegaanka, iyadoona talaabadaasi ay ka soo horjeesteen dadka deegaanka, taasina waxaa ay keentay in kooxda Al-shabaab ay gubaan deegaanka Yaaqberi weyne.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa cadaadis ku hayaa shacabka ku nool deegaanka Yaaqberi weyne.

Cabsi xoogan ayaa soo wajahday shacabka ku nool deegaanka Yaaqberi weyne, iyagoona bilaabay in halkaasi ay barakacaan.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka shabeellada Hoose.

Al-shabaab ayaa inta badan waxaa ay dhibaatooyin u geystaan dadka shacabka ah ee ku nool gobolka shabeellada Hoose