Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in xalay dagaalamayaasha Al-shabaab ay dileen mid ka mid ah labo ruux oo ay ka qabteen degmada Waajid, kadib markii Al-shabaab shalay jidka u galeen qaar kamid ah dadka deegaanka oo waday Raashiin ay ka keeneen Magaalada Baydhabo kaas oo ku rarnaaa Gaari Dameero.
in kabadan 9 qof oo ahaa dadkii la socday Gaari Dameerada waday raashiinka ayaa labo kamid ah gacanta ku dhigeen Al-shabaab inta kalane waa ay ka baxsadeen sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka iyo mas`uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka.
Wararkii ugu danbeeyay ee hadda soo gaaraya KNN ayaa tilmaamaya in labadii qof ee Al-shabaab ay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah xalay ay dileen.
Ciidamada xooga Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ee Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya gaar ahaan ciidamada Itoobiya ee halkaas ku sugan ayaa saakay duleedka degmadaasi waxay ka sameeyeen howgalo ka dhan ah Al-shabaab.
Degmada Waajid ayaa waxay ka mid ah degmooyinka go`adoonsan ee ka tirsan gobolka Bakool oo Al-shabaab horay go`adoon ay ugu soo rogeen, wixii xiligaas ka danbeeyay dagmada si dhuumaaleysi ah ayaa lagu soo gilin jiray Raashiinka nuucyadiisa kala duwan sida, Haruurka, Galeyda, Digirta iyo wixii la mid ah.