Uncategorized

Al-shabaab oo dad iyo duunyo ku dilay Degmada Waajid ee G/Bakool.

Waajid-KNN- Dagaalamayaasha Al-shabaab ee ku sugan Gobolka Bakool gaar ahaan degmada Waajid ayaa jidka u galay qaar kamid ah dadka deegaanka oo waday raashiin ay ka keeneen magaalada Baydhaba kaas oo ku rarnaaa gaari dameero.

in kabadan 9 qof oo ahaa dadki la socday gaari dameerada waday raashiinka ayaa ay labo kamid ah gacanta ku dhigeen Al-shabaab inta kalane waa ay ka baxsadeen sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka.

ilo wareedyo ayaa Radio Kulmiye u sheegay in mid kamid ah labada qof ee ay qabteen dagaalamaaysha Al-shabaab ee degmada Waajid ay gowraceen.

Dameerada u rarnaa ganacsatada ayaa waxaa la tilmaamay in ay Al-shabaab ku fureen rasaas ay ku eryanayeen dadka ka baxsaday , waxaana rasaasta ay dishay qaar kamid ah Dameeradi siday raashiinka laga soo qaaday Magaalada Baydhaba.

xaaladda degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa caawa ah mid kacsan oo la warinayo in dadka deegaanka ay hadal hayaan dhacdadan  Al-shabaab ay ku dileen dad iyo duunyo.