Somali News

Al-Shabaab oo dad ka afduubtay Gobalka Mudug.

Muqdisho-KNN-Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa la sheegay in dad badan ay ka afduubteen deegaano hoostaga degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug.

Deegaanada ay Al-Shabaab dadka  ku xireen ayaa waxaa ka mid ah  Caad iyo miliqo iyo tuulooyin hoostaga degmada Xarardheere.

Sababta loo xiray ayaa dadkan waxaa lagu sheegay in ay tahay kadib markii si qarsoodi ah ay qaad ugu iibiyeen deegaano ka tirsan degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug.

Al-shabaab ayaa inta badan waxaa ay deegaanada Gobalka Mudug ay ku xiraan dadka ay sheegeen in ay  ka horyimaadeen amarada Al-shabaab.