Uncategorized

Al-shabaab oo Dagaal kula Wareegay Degaanka Yeed ee Gobolka Bakool

 Teed–KNN– Wararka ka imaanaya Degaanka Teed ee Gobolka Bakool islamarkaana 30 Km u jira Caasimadda Gobolka Bakool ee Xudur ayaa sheegaya inuu Saakay ka dhacay Dagaal Xoog leh oo u dhexeeya Ciidamada Dowladda iyo Dagaalameyaasha Xarakada Al-shabaab.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Dagaal Xoog leh uu halkaas ku dhexmaray Ciidamada Dowladda  iyo kuwa AL-shabaab,waxaana dagaalka uu Sababay dhimasho iyo Dhaawac soo kala gaaray Dhinacyada Dagaalamay.

Al-shabaab ayaa Warbaahinta Faafiya Wararkooda ku daabacay in ay dagaal kula Wareegeen Degaanka Teed,iyadoo aysan jirin wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Koofur galbeed.

Al-shabaab ayaa Bilihii dambe Kordhiyay Weerarada ay ku qaadayaan Fariisimaha Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin qeybo badan oo ka mida Koofurta Soomaaliya.