Somali News

Al-shabaab oo deegaanada ay maamulaan ka mamnuucay isticmaalka Bacaha

Muqdisho-KNN-Dagaalameyaasha Al-shabaab ayaa deegaanada ay maamulaan ka maamnuucay isticmaalka Bacaha kala duwan ee dadka ay isticmaalaan sida ay sheegeen Qaar ka mid ah dadka ku nool deegaanada Al-shabaab ay maamulaan, kuwaas oo la hadlay Idaacada Kulmiye ee magaalada Muqdisho.

Al-shabaab ayaa dadka ku nool deegaanada ay maamulaan ku war geliyay in aysan isticmaali karin Bacaha islamarkaana amarkaas uu yahay mid  ka soo baxay madaxda ugu sareysa Al-shabaab.

Dadka ku nool deegaanada Al-shabaab ay ka mamnuuceen Bacaha ayaa sheegay in aysan haysanin badalka Bacaha ay isticmaali jireen islamarkaana Bacaha ay yihiin kuwoo dadka ay u isticmaalaan si aad ah, maadaama ay tahay sheyga kaliye ee dadka gacanta ugu jira.

Amaro badan oo Al-shabaab ay horay u dul dhigeen dadka ku nool deegaanada ay maamulaan ayaa dhamaantood dhaqan galay, amaradaas dhaqan galay ayaa waxaa ka mid ah Al-shabaab deegaanada ay maamulaan waxay ka mamnuuceen in lagu isticmaalo Taleefanada Smart Phone la yiraahdo ee shaashada laga isticmaalo, kuwaas oo hadda aan laga isticmaalin deegaanada Al-shabaab ay joogaan.