Somali News

Al-Shabaab oo dhaq dhaqaaqyo ka wada duleedka Ceelbuur

Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya deegaano hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta  dagaalamayaasha Al-Shabaab ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadaan deegaanka Ceel lahelay ee gobolkaasi.

Dadka deegaanka oo diiday in magacooda iyo codkooda la adeegsado ayaa KNN u sheegay Al-Shabaab ay dhaq dhaqaaqyo ka sameynayaan tuulooyinka iyo deegaanada ka agdhow degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, sida uu soo sheegayo weriyaha KNN ee gobolka Galgaduud Maxamed Cabdi Weli Tooxow.

Sidoo kale dadka deeganaka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay  miinooyin fara badan ku aaseen Duleedka Deegaanka Ceel-lahelay ee gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan mid ka mid ah miinooyinka ay aasayeen Al-Shabaab oo iyaga haleelayay, sida ay goobjoogayaal u sheegeen KNN.

Cabsi badan ayaa maanta laga dareemayaa  deegaanka Ceel-lahelay ee gobolka Galgaduud, kaasi oo ku aadan in halkaasi uu dagaal ku dhexmaro ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab, iyadoona walaac xoogan laga muujiyay khatarta ka dhalan karta miinooyinka ay Al-Shabaab ku aasaan duleedka deegaanka Ceel-lahelay.

Dhanka kale Maamulka Galmudug ayaa horey u sheegay in Al-Shabaab ay ka saari doonaan deegaanada ay gacanta ku hayaan ee ka tirsan gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Kooxda Al-Shabaab ayaa haatan ka talisa  degmooyin ku yaalla Gobolada Mudug iyo Galgaduud, waxaana ka mid ah degmooyinkaasi Degmada Xarardheere iyo Ceelbuur oo ka kala tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud.