Somali News

Al-Shabaab oo dib ula wareegay Tooratoorow

Wararka ka imaanaya deegaanka Tooratoorow ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay dib u qabsadeen deegaankaasi, sida ay KNN u sheegeen dadka deegaanka.

Deegaanka Tooratoorow ayaa waxaa gacan ku haynteena ku loolamaya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab, iyadoona cabsi ay xiligan soo wajahday dadka deegaanka.

Shalay Gelinkii hore ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee DANAB waxaa ay la wareegeen deegaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeellada Hoose,halkaasi oo saldhig wyen uu u ahaa Al-Shabaab.

Dhanka kale Warbaahinta ku hadasha Afka Al-Shabaab ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dib ula wareegeen deegaanka Tooratoorow.

Majirto weli wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ku sugan Gobolka Shabeellada Hoose.