Uncategorized

Al-Shabaab oo digniin ka soo saaray Dhalinyarada Shaqo Abuurka loo sameynayo.

Muqdisho-KNN-Cabdi Casiis Abuu Muscab  Af-hayeenka Dhanka Howlgalada ee Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka hadlay 1000-ka Dhaliyarada ah oo ay dowlada soomaaliya sheegtay in shaqo abuur loo sameynayo,waxaa uuna digniin culus u diray waalidiinta caruurtooda uu sheegay in ay  doonayaan ka mid noqoshada Shaqaalaha Cusub.

Al-Shabaab ayaa sheegay in Dowladda ay dooneyso in 16-ka Degmo ee Gobolka Banaadir ay ka shaqaaleysiiso 55-dhalinyaro ah sida uu Hadalka uu dhigay kuwaas oo ka mid noqonaya Ciidamada amaanka ee degmooyinka Gobalka.

Afayeenka u hadlay Al-Shabaab ayaa sheegay in Dhalinyarada laga dhigayo Ciidamo ka hor taga Howlagalada Al-Shabaab taasna aysan u dulqadan doonin.

“Waxaan la dagaalami doonaa dhamaan dadka ka mid noqda Dhalinyarada ay Dowladda Shaqa abuurka u sameyneyso waxaana uga digeyna Waalidiinta Soomaaliyeed in caruurtooda aysan u ogolaanin Mashruuca ay Dowladda Fulineyso” ayuu yiri Cabdi Casiis Abuu Muscab.

Arintaan ayaa walaac ku abuureysa dhalinyarada Soomaaliyeed oo ay Dowladda Soomaaliya u balan qaaday in ay Shaqo u abuureyso.