Beledweyne-KNN-Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla degaanka Bu-aqaqable ee gobolka Hiiraan waxay saakay ku dileen nin ka tirsanaa dadkla deegaanka.
Ninka ay saakay toogteen Al-Shabaab waxaa lagu magacaabi jiray Daa’uud Aadan Muumin, waxayna ku eedeeyeen in uu horay gobolka Hiiraan ugu dilay nin kale.
Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa shacabkii la isugu keenay fagaarihii ay toogashadu ka dhaceysay waxa uu u sheegay in Daa’uud uu horay u dilay nin lagu magacaabi jiray Qeyleey, isla markaana ehelladiisa ay dalbadeen in loo khisaaso.
Al-Shabaab ayaa deegaanada ay maamulaan marar badan ka fuliyey dilalka nuucaan oo kale ah, waxayna badanaa dadka ay ku dilaan fagaareyaasha ku eedeeyaan basaasnimo.