Muqdisho-KNN-Duqayn la aaminsanyahay in ay fulisay Diyaarad aan cidina wadin ayaa ka dhacday Deegaan lagu magacaabo Qalimoow oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha dhexe.
Qalimoow waxaa uu ku yaalaa inta u dhexeeysa Jowhar iyo Balcad ee Shabeelaha Dhexe, ku dhawaad 30 KM ayey koofur kaga beegantahay magaaladda Jowhar.
Deegaanka waxaa horay u joogay Ciidanka xoogga dalka waxayna ka baxeen galinkii dambe ee Talaadadii.
Al-shabaab ayaa durba deegaanka la waregay markii ay Ciidanka Dowladdu ka baxeen.
Xalay fiidkii ayaa lasoo wariyay in duqayn ay ka dhacday Qalimoow, sida Radio kulmiye ay u xaqiijiyeen Dadka deegaanka.
Duqaynta waxaa la aaminsanyahay in lala beegsaday Gaari ay leeyihiin Al-shabaab,sida goobjooge yaashu sheegeen.
Duqaymaha lala beegsado Al-shabaab ee Soomaaliya waxaa fuliya Taliska Mareeykanka ee Qaaradda Africa, majio war duqayntii xalay ku saabsan oo kasoo baxay Taliska Maereeykanka.
Al-shabaab iyo Dowladda Soomaaliya sidoo kale wali kama hadlin.