Somali News

Al-shabaab oo fagaare ku toogtay dad tiradoodu dhan tahay 7 ruux

Goob fagaare ah oo ku yaalla deegaanka Buulaay ee Gobolka Baay, waxay xubno ka tirsan Al-shabaab ku toogteyn todobo ruux oo rag ah, kadib markii ay ku eedeeyen in ay basaas u ahaayeen Maamul Goboleedka Koofur Galbeed, Dowladda Dhexe iyo Mareykan.

Al-shabaab ayaa sidoo kale goobta ay ka dhaceysay toogashada isugu keenay si qasab ah boqolaal dadweyne ah, si ay goob joog uga noqdaan falka toogashada ah oo ay fuliyeen, sidoo kale halkaas waxaa ku sugnaa Saraakiil iyaga ka tirsanaa.

Xubnaha ragga ah oo ay Al-shababa ku fuliyeen toogashada waxaa ay kala ahaayeen magacyadooda.

.1:- Ceymooy Geedi Aadan oo Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu la Shaqeeynayay Maamulka Koonfur Galbeed uuna kusoo hoggaamiyay rag katirsan Al-Shabaab oo la dilay.

2: Cadaawe Cabdullaahi Dhicisow oo lagu eedeeyay in uu la Shaqeeynayay Sirdoonka Mareykanka, Isla markaana uu u gudbiyay Mareykanka warbixino kusaabsan saraakiil katirsan Al-Shabaab.

3-: Cali Maxamed Madoowe oo Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu katirsanaa Maamulka Koonfur Galbeed, Isla markaana uu kala Shaqeeyay weerar Maamulka Koonfur Galbeed ay kudileen Saraakiil katirsan Al-Shabaab.

4: Colaad Cabdiraxmaan Maxamed oo ay Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu la Shaqeeynayay Sirdoonka Mareykanka, Isla markaana uu qeyb ka ahaa duqeyn lagu dilay Sarkaal katirsan Al-Shabaab.

5:- Cabdiraxmaan Isaaq Ibraahim oo Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu la Shaqeeynayay Sirdoonka, Isla markaana uu ka qeyb qaatay duqeyn lagu dilay Saraakiil katirsan Ururka Al-Shabaab.

6: Towfiiq Jinow Aadan oo sidoo kale Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu la Shaqeeynay Sirdoonka, Isla markaana uu ka qeyb qaatay duqeyn lagu dilay Sarkaal katirsan Al-Shabaab.

7:- Mayow Maxamed Yarow oo Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu katirsan tahay Ciidamada Koonfur Galbeed ee ka Shaqeeynayay degmada Diinsoor, kaas oo dhowr jeer la dagaalamay Al-Shabaab.

Si kastaba, Al-shabaab ayaa toogasho ka fuliya deegaannada iyo degmooyinka ay kaga sugan yihiin gobolada dalka, waxaana jira dad badan oo la aamisan yahay in aysan waxba galabsan, balse gacantooda ay ku baxeyn, iyagoo ku eedeeyay fal basaasnimo ah, kaas oo aan lagu sameyn baaritaano qoto dheer.