Somali News

Al-Shabaab oo fagaare ku yaala Jamaame ku toogtay 4 qof

Muqdisho-KNN-Al-Shabaab ayaa waxaa ay goob fagaare ah oo  ku yaalla Degmada Jamaame Gobolka Jubada Hoose ay ku toogteen dad tiradooda gaaraysa 4 qof.

Dadka la toogtay ayaa Al-Shabaab waxaa ay ku eedeeyeen in ay la shaqeynayeen Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Al-Shabaab waxa ay baahiyeen  Magacyada iyo da’da ay jireen afarta qof ee ay ku dileen fagaare ku yaala Degmada Jamaame.

1-Sulaymaan Max’med Saciid oo 21 sana jir waxa ay sheegeen in uu katirsanaa ciidamada Booliiska Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay tilmaameen in ay ku qabteen Degmada Afgooye.

Yariisoow Baaf Cusmaan (Maye) oo 68 jir sana jir ah waxa ay isna sheegeen in uu katirsanaa Maamulka degmada Diinsoor, isla markaana ay howlgal kusoo qabteen.

3-Iqra Cabdi Aadan oo 20 sana jir aheyd waxa ay iyanne sheegeen in ay u shaqeyneysay sirdoonka Kenya, isla markaana u qaabilsaneed la socodka dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab ee gudaha Kenya.

Qofka afaraad ee ay dileen Al-Shabaab waxa ay ku sheegeen Magaciisa Nuur Bakar Diiroow oo ay ku eedeeyeen in uu kufsaday Xaawo Cabdi Muuse oo 16-sano jir ahayd.

Al-Shabaab ayaa mudo todobaad ah waxaa ay gobalada dalka ku toogteen dad tiradooda gaaraysa 18 qof, kuwaasi oo lagu kala eedeeyay  in ay la shaqeynayeen Dowladda Soomaaliya, wadamada deriska la ah dalka iyo dad ay ku eedeeyeen in ay sameeyeen Gogol dhaaf.