Baydhaba-KNN-Kooxda Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla degmada Tayeegloow ee gobolka Bakool waxay gelinkii dambe ee shalay ku toogatay nin ay ku eedeeyeen inuu ahaa saaxir.
Marxuumka ay toogteen waxaa lagu magacaabi jiray Isxaaq Xasan Daa’uud, waxuuna ahaa 70-sana jir.
Nin sheegtay qaadiga maxkamadda Al-Shabaab ee Tayeegloow ayaa dad shacab ah oo la isugu keenay fagaarahaas ka hor akhriyey qiraalo uu sheegay inay ka hayaan marxuumka ay dileen.
Waxay sheegeen in marxuum Isxaaq Xasan uu 20-kii sano ee la soo dhaafay ku shaqeynsanayay wax ay ku sheegeen sixir, isla markaana uu kala geyn jiray ragga iyo dumarka, sida ay sheegeen Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa deegaanada ay dalka ka joogaan waxay sidaan oo kale ugu dhibaateeyaan dadka ku nool, iyagoo midba maalin toogta, mana soo bandhigaan cadeymo ka turjiumaya dadka ay dilayaan.


